Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Israa’iil Oo 4 Qof Oo Falastiniyiin Ah Ku Dilay Marinka Qasa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qasa)-Ciidammada maamulka Israa’iil ayaa sheegay inay toogasho ku dileen 4 Falastiniyiin ah xuduuda u dhaxaysa marina Qasa iyo dhulka ay yuhuudu haysato.

57b237a4c2924661ad10cdcc3c85f80f_18-740x

Toogashada oo dhacday maanta oo sabti ah, ayaa ciidamada Israa’iil waxay sheegeen in afarta nin ee ay toogteen ay ku hubaysanaayeen hub culus oo ay ka mid ahaayeen hubka lagu burburiyo Taankiyada iyo bambooyin.

israa’iil waxay sheegtay in ragaasi ay toogteen markii ay isku dayeen inay u soo talaabaan dhinaca Xuduuda ee ay joogaan ciidamada Milateriga Israa’iil.

Ururka Xamaas ee maamulka marinka Qasa weli kama hadlin toogashada lagu dilay 4ta Falastinyiinta ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this