Sign in to follow this  
Deeq A.

Budhcad-badeed Soo Daayey Bad-maaxayaal Turkiga U Dhashay Oo U Afduubnaa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-10 Bad-maaxayaal u dhashay dalka Turkiga oo la afduubay bishii July ee sannadkan, ayaa la siidaayey.

pirates.jpg

Warbaahinta Dawladda Turkiga ayaa baahisay in 10-ka Bad-maaxe bishii July lagu afduubay Xeebaha Galbeedka Afrika, iyagoo oo la socday Markab nooca Koontiinarrada qaada ah oo ku jeeday Dalka Ivory Coast.

Bad-maaxayaasha Turkiga u dhashay ayaa lagu Afduubay Xeebta Nigeria, 16-kii July.

Budhcad-badeeda Afduubay ayaa Markabka kala degay 10 Bad-maaxe, waxayna halkaa kaga tageen 8 kale, sida Warku sheegay.

Telefiishanka Turkiga ee Magaciisa loo soo gaabiyo TRT ayaa sheegay in Bad-maaxayaasha la soo daayey uu Caafimaadkoodu wanaagsan yahay, balse Faahfaahin kale ma bixinin.

Ma Cadda Budhcad-badeeda Afduubtay Raggu inay qaateen Madax-furasho iyo in kale, laakiin Numan Paksoy oo ka mid ah Maamulka Shirkadda leh Markabka ay la socdeen ayaa sheegay in 12 Nin oo badhcad-badeed ahi ay weerar culus ku qaadeen Markabka markii ay Afduubayeen Ragga markii dambe ay soo daayeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this