Sign in to follow this  
Deeq A.

In Ka Badan 2 Milyan Oo Muslimiin Ah Oo Maanta Taagan Banka Carrafo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Makka)-Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday inay sannadkan Waajibaadka Xajka gudanayaan Muslimiin gaadhaya 2.5 Milyan.

Capture-7.jpg

Dadka Xajka gudanaya ee Dacallada Dunida ka kala yimid ayaa Sucuudiga ku gaadhay Gaadiid kala duwan, sida Diyaarado, Maraakiib, Doonyo iyo Gaadiidka Caadiga ah ee dhulka mara.

1.86 Milyan qof oo ka tagay Adduunka intiisa kale, ayaa gaadhay dalkaas, kuwaasi oo 1,730,967 ka mid ahi ka dageen Garoomada diyaaradaha dalkaasi, ka dib markii ay diyaarado ku soo safreen, halka Dadka ka soo Xajay waddamada Jaarka ee dhulka soo maray, ayaa tiradooda lagu sheegay 95,742 qof.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee dalka Sucuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in Dadka ku soo safray Maraakiibta iyo Doonyaha ay tiradoodu dhan tahay 17,252 qof.

Waxa Xusid mudan oo Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sucuudigu sheegtay inay sannadkan Xajka ka qayb-qaadanayaan 700,000 oo xujay ah oo ku nool gudaha Dalka Sucuudiga kuwaas oo isugu jira muwaadiniin iyo ajaanibka deggen dalkaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this