Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid kamid ah beelaha Puntland oo ku dhawaaqday hirgelinta xukunka Shareecada Islaamka

Recommended Posts

Deeq A.   
Qardho.jpg?w=1000&ssl=1Sawirka: magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar

Mid kamid ah beelaha Puntland oo shir uga socday tuulada GERI-HEL oo ka tirsan degmada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa shirkaasi kaga dhawaaqday hirgelinta xukunka Shareecada Islaamka.

War-murtiyeed ka soo baxay shirka oo ay ku saxiixan yihiin 18 oday oo samadoonno cuqaal iyo nabaddoono ka kooban ayaa lagu sheegay in beeshu ay qaadatay hirgelinta ku dhaqanka shareecada Islaamka ee beesha dhexdeeda iyo wixii kala gala dadka ay ood-wadaagta yihiin labadaba.

Sidoo kale beeshu waxay war-murtiyeedka ku sheegtay in ay dhistay laba guddi oo kala ah guddiga dhowrista iyo ilaalinta degaanka oo ka shaqeyn doona ka hortagga xaalufinta iyo adkaynta nabadgelyada degaanka beesha iyo sidoo kale guddiga dhaqaalaha gudaha iyo debadda ee beesha.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka shirka

11-18.jpg?w=1000&ssl=1 22-2.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Mid kamid ah beelaha Puntland oo ku dhawaaqday hirgelinta xukunka Shareecada Islaamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this