Jacpher Posted March 28, 2008 Majaajiliistihii weynaa C/llaahi Amiir Rooble Aw-kuu kuu oo Muqdisho ku geeriyooday Jimco, March 28, 2008(HOL): Waxaa caawa fiidkii ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala Hoygii Fannaaniinta Soomaaliyeed (Ex-Fiyoore) Majaajiliistihii weynAA C/llaahi Amiir Rooble Aw-Kuu Kuu oo ay Dadka Soomaaliyeed intiisa badan ay garanayeen. Marxuumka ayaa wuxuu u geeriyooday xanuun beryahan hayay, kaasi oo uu ugu dambeyntii u geeriyooday. C/llaahi Amiir Rooble Ow-Kuu Kuu oo ka tirsanaa Majaajiliistayaasha waa weyn ee Hobolladii Waaberi waxaa uu xiligii burburka ku sugnaa Dalka Soomaaliya oo uusan ka bixin, isagoo marar qaarkood ka qeybqaadan jiray Bandhig Faneedyo ay sameyn jireen Fannaaniin aan dalka ka bixin iyo weliba kuwo soo baxay xiligii burburka. Sidoo kalena, Fannaanka wuxuu wax ka sameyn jiray muddooyinkan dambe Sheekooyin isugu jira kuwo ka tarjumaya dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya, kuwo ku saabsan Wacyigelinta Bulshada iyo kuwo Jaceylka ku saabsan, kuwaasi oo laga sii daayo qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho. Marxuumka ayaa intii uusan geeriyoon oo aan ku booqannay hoygiisa wuxuu Dadkii u yimaadaba ku lahaa hal kalmad oo ahayd “ii soo duceeya”, wuxuuna ahaa qof aad u xanuunsanayay. Haddaba Ma dhinte waa Alle, qof kastana mar uun ayuu geerida dhadhamin doonaa, sidaas darteed waxaan leenahay Alle ha u naxariisto Aw-kuu kuu Qoyskii, Qaraabadii iyo Ehelladii uu ka tegayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
peasant Posted March 28, 2008 May Allah have a mercy on him and give patience to his kin as well. Quote Share this post Link to post Share on other sites
FatB Posted March 29, 2008 OMG it cant be true.... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kool_Kat Posted March 29, 2008 Allaha unaxariisto...Cidihiisana samir iyo imaan allaha ka siiyo... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted March 29, 2008 Ilaahay ha u naxaristo dadkiisana sabar iyo imaan haka siiyo insha allah fatboi everyone is going to die walaal it is a matter of time. Insha allah May Allah grant us Jannah, that is the ultimate success. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Geel_jire Posted March 29, 2008 Allah yarxam the man has brought laughter and joy to many Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 29, 2008 Maskiin. Awkuuku was one in a million. No, one in a millions. Eebba ha u naxariistee walaalkeen laga maarmaanka ahaa. Reerkiisa ha u samraan, iimaankana ha badsadaan. Tacsi ayaa u taalo Soomaaliweyn dhan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted March 29, 2008 Alla Yarxam, Rabi ha u naxariisto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hayat Posted March 29, 2008 allah yarham. my gosh why do i suddenly see the erosion of somali-culture and somalia as a whole. i know we are all going to die- but to lose cultural people like this only reinforces the gravity of somalias situation. with no one to replace these individuals who have driven somali culture i feel like the somali-culture is going to disintegrate into thin air. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Buuxo Posted March 29, 2008 Ilaahay ha uu naxariisto. He must of been really sick. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MZanzi Posted March 29, 2008 Allaha Unaxariisto Ehelki iyo qaraabadi uu ka geeriyoodayna samair iyo iiman allaha ka siiyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Laba-X Posted March 29, 2008 Alle haw naxariisto. Jaango also passed away, Alla haw naxariistee! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted March 29, 2008 ^I know. Alloow u wada naxariiso, eheladooduna samir iyo iimaan ka sii. Amin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted March 29, 2008 Abdullahi Amiir Rooble Aw kuuku, Abaahii Majaajilada fanka Soomaaliyeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Yaabka-Yaabkiis Posted March 29, 2008 Allaya Raxma Quote Share this post Link to post Share on other sites