Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalada Dhuusamareeb oo laga cabsi qabo in dagaal ka qarxo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Culimaa’uddiinka Ahlu-sunna waljamaaca ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa saaka la soo sheegaya in ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay dib u qabsadaan garoonka diyaaradaha iyo guud ahaan magaalada Dhuusamareeb oo dhowaan lagu wareejiyay ciidamo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqyadan ay wadaan ciidamada Culimaa’udiinka Ahu-sunna ayaa bilowday kadib markii uu soo baxay shaki iyo walaac ay hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ka qabaan fulinta heshiiskii ay la gashay xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in ay Sabtida saaka arkayan ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Ahlu-sunna kuwaasi oo gaaf wareegaya xaafadaha magaalada Dhuusamareeb waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka qabaan in dhaq dhaqaaqan cusub uu dhaliyo isku dhac hubeysan oo u dhexeeya ciidanka DANAB ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-sunna.

Sugidda Amniga magaalada Dhuusamareeb gaar ahaanna garoonka diyaaradaha ayaa dhowaan lagu wareejiyay Ciidanka DANAB ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo dowladdu ay todobaadkii hore shaacisay in ay la wareegtay mas’uuliyadda amniga garoonka.

PUNTLAND POST

The post Magaalada Dhuusamareeb oo laga cabsi qabo in dagaal ka qarxo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this