Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu-Sunna oo dhaq dhaqaaq cusub ka bilowday Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusarameeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Ahlu-Sunna Waljamaaca dhaq dhaqaaq ciidan ay ka bilowday gudaha magaaladaasi.

Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa lagu soo warramayaa in ay wadaan ciidamada Ahlu-Sunna, iyadoona la sheegay inay qorsheneyso in haatan ay ka baxdo heshiiskii ay dhowaan la gashay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan oo aad u hubeysan, islamarkaana wata gaadiidka dagaalka ayaa saaka lagu arkayaa xaafadaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ahlu-Sunna ayaa dooneysa in ay dib ula wareegto garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Amniga garoonkaasi ayaa dhowaan lagu wareejiyey ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ee Xoogga Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan kasan, waxaana dadka deegaanku ay walaac ka muujinayaan dhaq dhaqaaqa cusub ee ka bilowday halkaasi.

Shantii bishan August ayey aheyd markii Ahlu-Sunna ay shaki gelisay heshiiskii ay xukuumada kula gashay Dhuusamareeb, kadib warqad uu saaray Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, kaas oo walaac ka muujiyey dhaq dhaqaaqyo ka baxsan heshiiska oo uu sheegay in dowladdu ay ka wado magaaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this