Deeq A. Posted August 10, 2019 Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiishga ciidamada maamulka Jubbaland ayaa labo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ku soo bandhigay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Jubbaland ayaa magacyada xubnahaasi ku kala sheegtay Geedi Maxamed Cali iyo Cabdi Casiis Maxamed Muxumed (Iidle). Labadaani nin ayaa in muddo ah ka tirsanaa Xooggaga Al-Shabaab, wuxaana ay ka mid ahaayeen guutada weerarada qaada, sida ay shaaciyeen saraakiisha maamulkaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in ay soo dhaweynayaan xubnaha kale ee ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab, haddii ay isa soo dhiibaan. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan xubnahaasi la sheegay in uu ka soo goostay dhankooda. Ciidanka dowladda, kuwa Jubbaland iyo ciidamada Amisom ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday howlgallada ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites