Deeq A. Posted August 10, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan labo milyan oo Muslimiin ah ayaa maanta taagan Banka Carrafo, si ay u gutaan xajka oo ah tiirka shanaad ee Islaamka. Muslimiinta sanadkan gudanaya waajibaadka xajka ayaa ka badan 2,096,023, kuwaas oo ka kala yimid dalal ay ka mid tahay Somalia. Xujeyda Soomaaliyeed ayaa lagu qiyaasay illaa 11-kun oo ruux, kuwaas oo nasiib u yeeshay in sanadkan ay soo xajiyaan Ammaanka ayaa si aad ah loo xoojiyey, iyadoo ciidamo fara badan dowladda Sucuudi Carabiya ay soo dhigtay waddooyinka magaalada barakeysan ee Makka. Sidoo kale waxaa gawaarida laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka gala masaajidka barakeysan ee xaramka. Dhammaan dalalka Islaamka ayaa sidoo kale beri isku diyaarinaya dabaal dega maalinta koowaad ee Ciidul-Adxaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites