Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo hakisay bixinta waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonada

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa shaacisay in ay hakisay bixinta waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada ee ay siin jirtay odayaasha loo aqoonsanyahay Nabaddoonada sharciga ah ee beelaha.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland oo la ogaysiiyay xafsiiska madaxweynaha ayaa dhammaan guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland lagu amray in ay hakiyaan waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada ilaa iyo amar dambe.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in wasaaraddu ay dhammaystirayso habraaca waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada kadibna ay dib ka fasixi doonto bixinta aqoonsiga Nabaddoonimada

Hoos ka eeg qoraalka

nabadoonada.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo hakisay bixinta waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this