Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen oo shaaciyey xog ku aadan dilkii Marxuum Cali Marguus

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa si kulul uga hadlay dilkii shalay loo geystay allaha u naxariistee Marxuum Cali Aadan Marguus oo ahaa nin ganacsade ah.

Lafta Gareen ayaa ugu horreyn ka tacsiyeeyey geerida Marxuumka, wuxuuna sheegay inuu ka mid ahaa dadka hal doorka ee ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in la garanayo kooxihii ka dambeeyey dilkiisa, islamarkaana ay ku raad joogaan ciidamada ammaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Dilka Cali Marguus iyo dad kale oo la socday ayaa sababay in dagaal beeleed uu ka bilowdo duleedka magaalada Baydhabo, kaas oo isla shalay lagu dilay illaa 2 qof.

Marguus oo si weyn looga yaqaanay Koonfur Galbeed ayaa hore u ahaa siyaasi, wuxuuna soo noqday wasiir iyo xildhibaan, inkastoo markii dambe uu isaga baxay siyaasadda.

Dilkiisa oo salka ku hayo arrimo la xariira dhul ayaa ka dhacay beer uu ku lahaa halka loo yaqaano Maanya-fuulka oo u dhow magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

 

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo 
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this