Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo shaaciyey inuu isu sharxi doono doorashada GALMUDUG iyo in kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ka tanaasulay in uu u tartamo xilka madaxweynaha Galmudug.

Xaaf waxa uu sheegay in dhibaatada ugu badan ee maamulkiisa ragaadisay ay tahay ka dib markii dadka kasoo jeeda deegaanka ay cagaha ku dhigeen.

‘’Waxaan cadeynayaa in aan ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug, ciddii ay doonaan ha doorteen, laakiin waxaan kula dardaarmayaa in qofka la doorto lala shaqeeyo’’ ayuu yidhi madaxweyne Xaaf.

Xaaf ayaa laba bil ka hor heshiis rasmi ah la gaaray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kadib loolan adag iyo dagaal ay dowladda u gashay inay xilka ka tuurto.

Heshiiska Xaaf uu la galay dowladda ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka ahayd shixnad dhaqaale oo uu helay, isaga oo taa beddelkeeda xaqiijiyey inuusan dib ugu tartamin xilka, sida aan xogta ku helnay.

Doorashada Galmudug ayaa la filayaa inuu kusoo baxo musharax ay dowladda wadato, si ay mar kale u xaqiijiso inay gacanta ku dhigto maamul goboleed kale, kadib doorashadii Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this