Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo wacad ku maray inuu Al-Shabaab ka saarayo dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay Al-Shabaab ka saari doonto guud ahaan dalka, kadib khudbad uu maanta ka jeediyey isu soo bax loogu duceynayey guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Injineer Yariisow.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab uu socday waqti fog, islamarkaana aysan hadda laheyn awood ay ugu babac dhigi karaan ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in dowladda federaalka ay ka gacan siiyaan adkeynta amniga, si looga hortago weerarada ay geysato Al-Shabaab.

“Dagaalka argagixisadu waxa uu soo socday muddo dheer, hadda waxa ay kaga soo hartay in ay is qarxiyaan markii ay u babac dhigi waayeen ciidamadeena geesiyaasha ah. waa in aan adkaynno amnigeenna iyo wadashaqaynteenna, cadawgana aan ugu tagno meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan.” ayuu yiri Madaxweynuhu .

Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan dalka, waxaana inta badan weeraro iyo qaraxyo ay ka geysataa gudaha Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Weerarkii ugu dambeeyey ayaa waxa ay Al-Shabaab ku dishay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo uu ku jiro duqii Muqdisho Marxuum Injineer Yariisow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this