Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo La Kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Magaalada Cape Town K/Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaflad lagu soo dhaweynayey wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka koofur afrika.

Xaflada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay safaaradda Soomaaliya ee koonfur Afrika iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Cape Town waxaana xafalada ka hadlaay qaar ka mida jaalidda Soomaaliyeed ee Cape Town,iyagoo u jeediyay guddoomiyaha iyo wafdigiisa hadalo isugu jira talooyin iyo guubaabin.

Safiirka Soomaaliya ee koofur Afrika Jamaal Maxamed Barrow oo ka hadlay xafladda ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warmaya xaladda guud ee Soomaalida kunool dalkaasi,isalamarkaan halkaasi ku soo dhaweeyey wafdiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo hadal u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Cape Town ayaa uga mahadceliyay sida wanaasgan oo ay u soo dhaweeyeen wafdigaasi.

Wuxuu kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda,islamarkaana uga warbixiyay xaaladda dalka uu ku sugan yahay in guulaha la gaaray.
Wafdiga guddoomiyaah Golaha Shacabka ayaa dalka Koonfur Afrika uga qeybgalay shirkii Baarlamaanada Afrika,isagoona halkaasi ka jeediyay khudbad ku saabsan arrimaha Soomaaliya,gaar ahaan qoxootigaiyo Barakacayaasha iyo duruufaha kajira dalka,maadaama shirka uu guud ahaan quseeyay.

Screen-Shot-2019-08-09-at-4.15.55-AM.png

YC4A6984.jpg

YC4A6986.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this