Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta labadii gabar ee fuliyey qaraxii gobolka iyo wixii dhacay bilo ka hor

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xalay natiijo hrudhac kasoo bandhigay baaritaanka qaraxii 24-kii July ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, hase yeeshee su’aalo badan oo jawaab u baahnaa ayaa looga tagay.

Waxyaabaha aan la shacain balse la xaqiijiyey ayaa waxaa ka mid ah magaca gabadha qaraxa fulisay, oo ah Basiira Cabdi Maxamed, hase yeeshee magacaas uu ahaa midka ay u sheegtay dowladda balse magaceeda dhabta ah uu yahay Maryama. Magaca Maryama waxay Caasimada Online shaacisay dhowr maalmood ka hor. Halkan ka aqri.

Baaritaan uu sameeyey Galka Baarista VOA, ayaa lagu ogaaday in magaca xarunta gobolka Banaadir looga yaqiin gabadha labaad ee qaraxa fulisay uu ahaa “Deggan”, balse magaceeda dhabta ah uu ahaa Hodan, sida aan xogta ku helnay.

Labada gabdhood ayaa magacyo been ah isaga diiwaan geliyey dowladda, si ula kac ah, taasi oo qeyb ka ahayd qorshaha shiqoolkooda oo ay soo dejiyeen Shabaab.

Deggan ama Hodan ayaa waxaa lagu shaqaaleeyey codsiga Basiira ama Maryama, oo aragga la’eed, taasi oo sheegtay inay u tahay kaaliye, ama qofka caawinaya maadaama aanay waxba arag.

Si kastaba, dowladda ayaa ku fashilantay inay baaris buuxda ku sameyso labada gabdhood, waxaana la rumeysan yahay in loo calool dabcay Maryama, maadaama ay aragga la’eed, taasi oo iyana ay ka faa’iideysatay.

Dowladda waxay sheegtay in labada gabdhood ay fasaxyo waqti isku dhow ah qataeen bil ka hor munaasabadihii xuska maalmaha xoriyadda ee 26-ka June iyo 1-da July, kadibna aadeen xarumaha Al-Shabaab, ayaga oo soo laabtay kadib, si ay uga qeyb-galaan xuska.

Waxaa jira tuhun ay qabaan saraakiisha amniga dowladda oo ah, in Maryama ay dooneysay inay beegsato mid ka mid ah munaasabadaha xuska maalmaha xoriyadda, oo uu ka qeyb-galay madaxweynaha, si ay u disho madaxweynaha.

Labada munaasabad ayaa ka kala dhacay Villa Somalia iyo xarunta gobolka. Maryama waxay ka qeyb-gashay tii xarunta gobolka, balse weli lama hubo inay tagtay tii Villa Somalia, hase yeeshee uma badna, sida aan xogta ku helnay.

Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu ogaaday in markii ay fasaxa qaadatay horraantii June ay Maryama u sheegtay Injineer Yariisow inay dhaqtar u aadeyso India, wuxuuna siiyey 10,000 oo dollar oo caawimaad ah, hase yeeshee ma aadin India oo waxay tagtay xarumaha Al-Shabaab, si qaraxa loogu soo diyaariyo.

Maalinkii qaraxa uu dhacayey, waxay aad u codsatay inay la kulanto Yariisow, si gaar ah, balse waxaa loo sheegay inuu mashquul yahay, waxayna kadib ka qeyb-gashay kulankii ay qarxisay, ayada oo fariisatay meel shan kursi u jirta Yariisow.

Maalinkii qaraxa uu dhacayey, Maryama iyo Hodan labada lama baarin, waxaana la sheegay in gabar baarta haweenka ay xilligaas qado ku maqneyd. Ma cadda sababta uusan u jirin qof kale oo baara haweenka, oo buuxiyay booska qofkii maqnaada, haddii uu jirana halka uu ku maqnaa.

Maryama ayaa la sheegay inay qaraxa kusoo xirtay jirkeeda, halka Hodan ay wax yar un qaraxa ka hor ka baxday xarunta islamarkiina u safartay xarumaha Al-Shabaab, oo ilaa iyo hadda ay ku sugan tahay.

Baaritaanka dowladda weli ma go’aamin in Maryama ay markii hore ee ay dowladda shaqaale ka noqoneysayba ay sidaas u sameysay inay qarax fuliso iyo in kadib ayada oo shaqaale ah ay Al-Shabaab maskax beddeleen, hase yeeshee waxay u badan tahay midda hore.

Xogta aan helnay ee ay nala wadaageen saraakiisha amniga, ayaa ah in ujeedka ugu weyn ee Maryama uu ahaa inay disho madaxweyne, balse ay ku adkaatay ugu dambeynna Shabaabka go’aamiyeen guddoomiyaha gobolka.

Waxaa jira marar badan oo la sawiray ayada oo la joogta madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee baaritaanada madaxweynayaasha oo adag darteed aysan ku dhiirin.

Xigasho: VOA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this