Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad oo jawaab ka bixiyey qoraalkii DF ee doorashada Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii maanta kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee ay ku sheegtay inaysan aqoonsan doonin natiijada doorashada Jubaland.

Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheeagy in dowladda federaalka aysan wax shaqo ah ku lahayn arrimaha doorashooyinka dowladda goboleedyada, sidaas darteedna ugu baaqay inay ka dayso faro-gelinta.

“Xukuumada Soomaaliya ha u hoggaansanto faritaanada dastuurka, faragelintana haka dhaafto doorashada Jubaland.” Ayuu yiri Mahad Salaad.

“Dhisamaha hay’adaha sharcidejinta iyo fulinta ee dowlad goboleedyada waa mas’uuliyad u gaar ah dowlad goboleedyada, waxaana nidaaminaya dastuurka dowlad goboleedka sida ku cad Qodobka 120-aad ee dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.”

Waxa uu intaas raaciyey “Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya sharci ahaan xaq uma lahan in ay farageliso doorashada dowlad goboleedka Jubaland. Warsaxaafadeedka maalin laha ah ee ay soo saaraysana sharci wax lagu maamulo noqon maayo. Sidaas daraadeed, waa in ay ilaaliso una hoggaansanto faritaanada dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo kan dowlad goboleedka Jubaland.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this