Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Somalia oo garoon caan ah ugu magac dartay Injineer Yariisow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaciyey in garoonka kubadda cagta Koonis ee magaalada Muqdisho loogu magac daray Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Marxuum Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Madaxweyne Farmaajo oo garoonkaasi uga qeyb galay kulan loogu duceynayey duqii hore ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagu xasuusan doonto geesinimadiisii iyo adeegga uu u ahayey Ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu magac darnay Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) garoonkan kubadda cagta, naftiisa ayuu u huray dalka, qofka kasta oo halyey ah oo dalkan wax ku kordhiya sidaas ayaa u xasuusaneynaa.” ayuu yiri Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladdu ay ka war heyneyso nolosha dhammaan qoysaskii ay ka tageen mas’uuliyiintii ku geeriyooday weerarkii xarunta gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, xildhibaano, wasiiro, waxgarad iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Khayre oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Marxuumka uu waqtigiisa ugu badan galiyay sidii uu ugu shaqeyn lahaa Qarank, islamarkaana uu dhintay isagoo u adeegaya dalkiisa iyo dadkiisaba.

Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana duqa Muqdisho ayaa dhowaan ku geeriyooday dalka Qatar, kadib markii markii uu dhaawac culus ka soo gaaray weerarkii ay Al-Shabaab bishii hore ee July ku qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this