Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay in deegaanadeeda ay ka qabaneyso doorasho

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuquraadiyeynta Puntland ayaa shaacisay in dhowaan ay qabanayso doorashada golaha deegaanka ee maamulkaasi.

Wasaaradda ayaa soo bandhigtay jadwalka illaa todobo degmo oo ka tirsan deegaanada ay ka arrimiso dowlad goboleedka Puntland.

Deegaanada ay ka dhacayaan doorashooyinkaasi ayaa kala ah: Galdogob, Baargaal, Gumbax, Ufayn, Isku-Shuban iyo Buurtinle oo hoostaga maamulkaasi.

Ugu dambeyn wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuquraadiyeynta Puntland ayaa arku wargelisay odayaashadegmooyinkaasi in ay 15 cisho ka hor wakhtiyada la cayimay, ay sii diyaariyaan xubnaha ka mid noqon doona golayaasha deegaanadaasi.

Halkan hoose ka aqriso:

HHHH.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this