Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegatay inay dishay 10 tirsanaa ciidamada AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa shaacisay in askar ka tirsanaa ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dowladda Uganda ay ku dishay qarax ka dhacay agagaarka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadan oo ka yimid dhanka magaalada Muqdisho ay la beegsadeen qarax nooca miinada ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ugu yaraan 10 askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda ay ku dishay qaraxaasi, sidoo kalena ay ku dhaawacday tiro intaasi ka badan.

Dhanka kale ma jiro wele wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca taliska ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay howlgallo xoogan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka wadeen gobolkaasi.

Ciidamada huwanta ayaa todobaadkan Al-Shabaab ka saaray degmada Awdheegle, kadib dagaal ay kula galeen halkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this