Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo gabar 18 sano jir ah qarax ku dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Awdheegle (Caasimada Online) – Allah ha u naxariistee waxaa magaalada Awdheegle ee Gobalka Shabeelada Hoose ku geeriyootay Maxruum Kayf Axmed oo aheyd Gabar 18 sano jir ah islamarkaana aheyd Xoolo dhaqato halkaasi ku nool.

Kayf ayaa ku geeriyootay Qarax haleelay Gaari Dameer ay waday, waxaana sidoo kale dhintay Dameerkii iyadoo uu bur buray Gaarigii ay waday.

Maxruum Kayf ayaa ku soo socotay Gudaha degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeellada Hoos,e waxayna soo aroortay Biyo sida ay noo sheegeen dadka degaanka.

Shalay duleedka ayaa magaalada Awdheegle ayaa sidaan oo kale loogu qarxiyay Gaari nuuca Xamuulka qaada oo raashin u soo waday gudaha degmada oo ay dhawaan qabsadeen Ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Ugu yaraan 3 qof ayaa qaraxii shalay ku dhaawacmay waxaana sidoo kale ku baaba’ay raashinkii ay wadeen oo rarnaa Ganacsatada Awdheegle.

Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeellada Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa Warbaahinta magaalada Muqdisho u sheegay in Al-Shabaab ay qaraxyo ku aaseen wadooyinka soo gala Awdheegle oo tan iyo 2015-kii ka maqneed gacanta Ciidamada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this