Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Shabaab oo dib usoo celiyey xeelad hore oo ay qaraxyada ku fulin jireen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay Al-Shabaab dib u soo celiyeen mid kamid ah istiraatiijiyadii ay adeegsan jireen dhowr sano ka hor, taas oo ay ku geysan jireen qaraxyada magaalada Muqdisho.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in Al-Shabaab markii ay magaalada Muqdisho soo gelin waayeen gaadiidka qaraxyada iyo ciidamada hubeysan ay bilaabeen in ay dib usoo celiyeen qorshihii ahaa in xafiisayda dowladda iyo xarunaha ciidamada galaan qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Golaha wasiirada, baarlamaanka, hey’adah garsoorka, iyo xafiisyada hey’adaha amaanka ayaa lagu wargeliyay in ay iska ilaaliyaan dadka aan la aqoon iyo xitaa shaqaalaha qaar, oo  dhici karto in loo adeegsado weerarada Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in lagu wargeliyay dhamaan masuuliyiinta dowladda iyo kuwa ciidamada in ay dib u eegis ku sameeyaan dadka ay ku kalsoonaadeen ee la shaqeeya iyo kuwa ka soo agdhawaan kara xafiisyada muhiimka ah.

Al-Shabaab ayaa sanadihii dambe joojiyay weerarada loo adeegsado qaraxyada qof lagu soo xiray ee gala xafiisyada dowladda sidii dhacday dhowr jeer, waxaana la sheegay in ay hadda dib usoo celiyeen qorshahaasi.

Hore ayey qaraxyada sidaan oo kale ah waxay ka fuliyeen guriga wasiirkii arimaha gudaha Soomaaliya Cabdishakuur Macalim Xasan ee xukuumaddii ra’iisul Farmaajo oo hadda madaxweyne ah, weerarkii Tiyaatartka Qaranka oo uu ku sugnaa Cabdiwali Gaas oo ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, weerarkii xarunta gobalka Banaadir ee 24kii bishii hore dhacay, waxaana ugu dambeeyay haweeneydii khamiistii lagu toogtay Baardheere ee damacsaneed in ay isku qarxiso saldhig ciidan oo ku yaala degmadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this