Deeq A. Posted August 9, 2019 Addis Ababa (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan waaxda dakhli uruurinta wasaaradda Maaliyadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in maanta ciidamada ammaanka magaalada Wajaale ay ku qabteen gaari lagu soo qariyey hub, kaas oo ka yimid dhinaca deegaanada maamulka Somaliland. Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in ciidamadu ay gacana ku dhigeen gaari uu noociisu ahaa Isuzu, kaas oo siday 22 bistoolad oo ah kuwa lagu sameeyo dalka Turkiga. Sidoo kale saraakiishan ayaa shaaciyey in la xiray wadihii gaariga, islamarkaana ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah. “Waxaan qabanay 22 bistoolad oo ah nooca uu Turkigu sameeyo, kuwaas oo ay la socoto rasaastooda ujeedada, cida laheyd iyo halka loo waday waan baareynaa.” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha waaxda dakhli uruurinta ee wasaaradda Maaliyadda. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo bishii June ee sanadkan uu fgambi fashilmay ka dhacay gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Amxaarada ee dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites