Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Mareykanka iyo UK oo DF hor-dhigay dalab culus oo la xiriira qaraxii gobolka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Britain ayaa madaxda dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay soo bandhigaan oo ay shacabka Soomaaliyeed iyo aduunyada kalaba la wadaagaan xogta qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobalka Banaadir.

Mas’uuliyiin ka socda taliska ciidamada AFRICOM ee ee Mareykanka oo yimid Muqdisho ayaa madaxda dowladda Soomaaliya kala hadlay arrintaan waxayna la wadaageen baaritaan ay ka sameeyeen weerarkii xarunta gobalka Banaadir oo ay ku dhinteen dad ka badan 10 oo mas’uuliyiin ah, oo uu ku jiro guddoomiyihii gobolka, Injineer Yariisow.

Sidoo kale, dowladda Britain ayaa madaxda dowladda Soomaaliya kala hadashay xogta qaraxii ka dhacay xarunta gobalka Banaadir, waxaana madaxda qaranka ay u sheegtay in ay aad uga niyad jabtay goobta uu qaraxa ka dhacay, xiliga uu dhacay iyo dadka ku dhintay, islamarkaana ay walaac badan abuureyso.

Saraakiil ka tirsan Waaxda Difaaca UK iyo safaaradda Britain ee magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyagoo la wadaagay xog dhameystiran oo weerarkaas ku saabsan. Waxay sidoo kale dalbadeen in si deg deg ah loo baahiyo wararka qaraxa ku saabsan hadii ay dhici waysana ay Britain baahin doonto weerarkaas oo baaritaankii ay sameeyeen.

Arrimahaan ayaa waxaa laga yaabaa in sabab u noqdaan in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku qasabto baahinta xogta qaraxa oo la aaminsan yahay in ay ku lugyeeshaan masuuliyiin amni iyo kuwa gobalka banaadir.

Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xubnaha ka socda UK iyo USA u balanqaaday in ay soo bandhigi doonaan xogaha iyo dadkii ku saabsanaa weerarkaasi islamarkaana aysan baahin ka hor booliiska Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this