Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Marxuum Yariisow oo garoon caan ah loogu magac darayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada online ayaa ogaatay in madaxda dowladda Soomaaliya ay amreen in mid kamid ah garoomada kubadda cagta Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kuyaala magaalada Muqdisho loogu magac daro guddoomiyihii gobalka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Garoonka caanka ah ee Koonis, islamarkaana katirsan garoomada ugu caansan dalka ee kubadda cagta, ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah lagu soo gaba-gabeeyo tacsida iyo baroor diiqda geerida guddoomiyihii gobalka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah garoonka Koonis kaga dhawaaqo in laga badalay loona bixiyay garoonka kubadda cagta ee Yariisow.

Alleahha u naxariistii guddoomiyihii gobalka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho ayaa u dhintay dhaawac culus oo ka soo gaaray weerarkii 15 cesho ka hor lagu qaaday xarunta maamulka gobalka Banaadir, kaas oo aan ilaa hadda la shaacin waxa uu ahaa.

Dad badan oo Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay dalbanayay in taalo loo sameeyo duqii magaalada Muqdisho ama loogu magac daro mid kamid ah wadooyinka gobalka Banaadir sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalka.

Haddii ay arintaan dhacdo ayaa waxaa loo arkaa go’aan wanaagsan oo ay qaadeen madaxda dowladda Soomaaliya, islamarkaana lagu xasuuusan doono duqii Muqdisho oo ay dishay gacan ka xaqdaran isaga iyo masuuliyiin kale oo muhiim ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this