Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiqani Saciid “Guul Iyo Guul Daro Hala Taageero Kooxaha Kubbadda Cagta Dalka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay dib ugu soo noqoshada ciyaaraha qaarada Afrika ay qaadatay mudo dheer,balse howshan ay door wanaagsan ka ciyaareen madaxda naadiyada kubbadda cagta dalka.

2-1-1024x576.jpg

“Kooxaheena waxaa tartanka ugu dabeesay 1988 oo iminka laga joogo mudo 31 sano waxayna arintan ku timid ogalaasha iyo wada xaajood aan le yeelanay madaxda xiriirka kubbadda cagta qaarada Africa” ayuu Goojoog u sheegay gudoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab.

47078563_2124910114243417_72122502590182
Bishii July 2019- Kooxda ciidanka booliska ee Heegan ayaa ka qeybgashay tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika ee ka dhacay dalka Ruwanda,inkastoo xidigaha Heegan ay tartarankaas kasoo hooyinin guulo waaweyn,iyagoo guul darooyin ay kala kulmay naadiyada kala ah Green Eagles,Proline FC iyo Apr FC.

D-zW3U8W4AAV6sI-1024x652.jpg“Guul iyo guul daro shacabkeena waa in ay taageeraan kooxaha dalka ee ka qeybgalaya ciyaaraha qaarada iyo bariga iyo bartamaha Afrika,iminka waxaa si buuxda ugu soo laabanay tartamadii nagula yaqiinay waan in xoojinaa horomarka naadiyadeena” ayuu Goobjoog ugu waramay guddoomiyahe Cabdiqani Saciid Carab.

Sequence-76.00_03_22_23.Still002-1024x76
07-August 2019-waxaa garoonka aan cadde ka dhoofay kooxda Dekedda oo saddexdii sano lasoo dhaafay ku guulaysanay horyaalka Somalia Premier League iyo naadiga Muqdisho City Club,iyagoo sanadkan ka qeybgalay Caf Champions League iyo Caf Confedration,iyagoo ku dheelayadalalka Masar iyo Zanzibar.

68416548_2272393336171683_21570076391946
“Sanadkan markii ugu horeesay ilaa afar koox ayaa tartamada dibadda ugu qeybgalnay taasina waxa ay cadaynaysaa da’daalka iyo yadadeedalada kubbadda cagta Soomaaliya ka mid noqoshada ciyaaryahan waxa aan ka qaadanaynaa qibarado kala gedisan maada aan ka maqneen soddonkii sano lasoo dhafay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Mudane Cabdiqani Saciid Carab.

170724_0001.00_04_27_01.Still036-1024x57
18-July 2019-Gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa 15-sano ka dib ka mid noqday guddiga fulinta xiriirka kubbada cagta qaarada Africa ee CAF waxaana booskaas Soomaaliya ugu danbeesay sanadii 2004,Cabdiqani waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanahy kusoo laabashada guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta qaarada Africa ee CAF.

4-1-1024x576.jpg
“Ganastada iyo wasaaradaha dowladda waxaan ugu baaqaynaa in ay ka qeyb qaataan xoojinta kooxaha dalka,si sanadaha soo aadan aan u gaarno kaalamaha sare ee tartamadda dibbadda” ayuu Goobjoog Sports u sheegay gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab.

00196.MTS_.00_00_43_11.Still001-1024x576

Halkan Ka Daawo Waraysiga Uu Goobjoog Siiyay Guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this