Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xabsiga ka siidaysay wadaad mudda laba bilood ah u xirnaa

Recommended Posts

Deeq A.   
Wadaadka.jpg?w=1000&ssl=1Wadaadka la sii daayay Sheikh Siciid

Dowladda Puntland ayaa xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso ka sii daysay wadaad kamid ahaa saddex nin oo ciidamada Amniga Puntland ay horraantii bishii June ee sannadkan ka qabteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wadaadka oo lagu magacaabo Sheikh Siciid Cabdiraxmaan Maxamed iyo labada nin oo kale ayaa la qabtay kadib markii sida la sheegay ay abaabuleen shir ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo magac beeleed lagu qabtay loogana dhaawaqay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Labada nin ee wadaadka lala xiray oo magacyadoodu kala yihiin Ganacsade Maxamed Yaasiin Caabbi iyo Nabaddoon Deeq Cabdi Cabdulle ayaa weli lagu hayaa xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Wadaadka la sii daayay iyo labada nin ee weli xabsiga lagu hayo oo xarigooda ay ka soo wareegtay mudda laba bilood ah ayaan mudadaasi wax maxkamad ah la geynin.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo xabsiga ka siidaysay wadaad mudda laba bilood ah u xirnaa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this