Deeq A. Posted August 8, 2019 Garissa (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen gacan ku haynta degaanka Haluuqa ee gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya. War qoraal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ay qabsadeen tuuladaasi oo ku dhow magaaladda Garissa iyo xadka Soomaaliya, markii ay weerareen. Saraakiisha ammaanka Kenya oo xaqiijiyey weerarka ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan in ay degaanka qabsatay Al-Shabaab. Illaa iyo haatan ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka labadda dhinac oo la tilmaamay in uu muddo socday. Al-Shabaab ayaa gudaha Kenya ka fulisa weeraro tan iyo markii ciidamada wadankaasi ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii. View the full article Share this post Link to post Share on other sites