Deeq A. Posted August 8, 2019 Jowhar (SMN) – Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii is-rasaaseyn ay ka dhacday degaanka Ceel Cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Tacshiiradda ayaa ka dambeysay markii ciidamo ka yimid Balcad iyo dad shacab ah ay isku dhaceen, wallow aanan la ogayn sababta. Dadka ay waxyeeladdu soo gaartay ayaa la sheegayaa in loosoo qaaday Isbitaalka Kaysaney ee magaaladda Muqdisho. Xiisad ka dhalatay iska hor-imaadka ayaa lagu soo waramayaa in ay ka taagan tahay degaankaasi, wallow ay socdaan dedaalo. Maalmihii dambe degaano iyo degmooyin dhaca gobolada dalka waxaa kusoo badanayey isku dhacyadda ciidamada dowladda iyo shacabka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites