Deeq A. Posted August 8, 2019 Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa sheegaya in malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay saacado kooban la wareegeen, degaan lagu magacaabo Haluuqa oo hoos yimaada magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari kenya. Degaanka Haluuqa oo kaabiga ku haya xuduudka labada waddan ee Kenya iyo Soomaaliya, ayaa sida la sheegayo dableey hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab si nabad gelyo ah kula wareegtay, kadib markii ay isaga carareen ciidamo kenyan ah oo halkaasi joogay. Dableyda hubaysan oo saacado kooban degaanka haystay, ayaa dab qabadsiiyay xarun ay halkaasi ku lahayd Shirkadda Isgaarsiinta kenya ee Safaricom, balse lama soo sheegin khasaare kale oo ay gaysteen. Al-shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ay degaankaasi ka fulisay lagu gubay xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Kenya. Sidoo kale dowladda kenya ayaa xaqiijisay weerarku laakiin wax faahfaahin ah kama bixin. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo la wareegtay degaan ku yaalla gudaha kenya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites