Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Washington: Howshii uu ka qabtay dekada Xamar, ayuu ku mudan yahay xilka guddoomiyaha gobolka

Recommended Posts

Deeq A.   

Geeradii Duqii magaalada Muqdisho, ka sokoow waxaa waajib qaran ah in la magacaabo Guddoomiye cusub oo gobolka Banaadir, iyo Duq magaalo oo ay yeelto Muqdisho. Waxayna dad ka war sugayaan madaxweynaha oo awood u leh inuu magacaabo haddeysan jirinba doorasho shacab.

Waxaa xilka uu ka geeriyooday Inj. Yariisoow u taagan murashaxiin badan oo xilal ka haaya DF iyo kuwo aan xil hayn. Waxaa qormadaan ku eegeynaa dareenka shacab iyo odoroos murashaxa ugu cad in xilkaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha isku raacaan in loo magacaabo.

Axmed Maxamed Maxamuud (Washington), hadda waa Maareeyaha dekadda Muqdisho, tan iyo markii xilkaan uu qabtay wuxuu isbadal muuqda kusoo kordhiyay dekadda Muqdisho isagoo ku guuleystay in seddaxdii bil ugu horeysay daqliga dekadda kasoo xarooda gaarsiiyay heerkii ugu sareeyay.

Waa Kuma Murashaxa ugu cad ee Axmed Washington?

Axmed Washington, siyaasadda kuma cubs, wuxuu soo noqday wakiilka Midowga Yurub ee Somalia, burburkii dalka kadib, wixii ka danbeeyay bixitaankii ciidamadii howlgalka UNISOM ilaa 2006-kii. Waa muwaadin Soomaali-German ah, sababtaas ayey aheyd inuu ahaa wakiilka EU ee Somalia.

Intii uu xilkaasi hayay wuxuu guud ahaan gobolada dalka ka hirgeliyay mashaariic kala duwan oo bulshada Soomaaliyeed waxtar u leh.

Sanadkii 2006-kii ayuu baneeyay xafiiska EU, markii maamulka Somaliland ay cabasho iyo dood ka keeneen siyaasadda xafiiska EU ee Somalia, iyagoo ku eedeeyay inuu farageliyay siyaasadda gaarka u ah Somaliland iyo madaxbannaanideeda sida ay ku doodeen.

Rajada in mas’uulkaan loo magacaabo xilka gobolka Banaadir ayaa ah mid aad u sareyso oo la hadal haayo, sababaha loogu badinaayana ay tahay aqoontiisa, aqoonta uu maamulka iyo maareynta u leeyahay, waxqabadkiisa hore iyo mid cusub ee uu kusoo kordhiyay dekadda Muqdisho.

Sababta kale ee xoojineysa in xilkaan loo magacaabo ayaa ah in madaxweynaha mudo labo sano ah beelaha dega gobolka Banaadir, gaar ahaan Galmaax saarayeen cadaadis xoog leh oo aysan helin xilkaan sanadihii u danbeeyay, maadaama nidaam ahaan lagu tixgeliyo.

Marka intaas laga soo tago, Janaayo 2018 markii la magacaabayay guddoomiyihii geeriyooday, waxaa miiska madaxweynaha saarnaa Axmed Washington, hase ahaatee siyaasad qalafsan lala dheelay madaxweynaha, iyadoo markii la magacaabay Yariisoow allaha u raxmadee madaxweynaha uu ku maqnaa safar gobolada dhexe ah, waxaana si filan waa ah madaxweynaha uu ku maqlay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa oo lagu magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir, go’aankaasina uu ahaa ama wareegtada magacaabistiisa uu soo saaray ra’iisul wasaare Kheyre.

Madaxweyne Farmaajo oo iska ilaalinayay khilaaf iyo muran siyaasadeed, uu madaxweynaha u daayay aqbalayna magacaabistaasi isagoo maqan lasoo saaray, sidaasina uu ku taageeray.

Caqabad kaliya ee murashaxaan taageerada ka heysta beelaha gobolka Banaadir iyo madaxweynaha, ka hor imaan karta ayaa ah in diidmo dhinaca ra’iisul wasaaraha oo dabada ay ka riixeyso marwada madaxweynaha ay timaado, maadaama madaxweyne Farmaajo aad u tixgeliyo marwadiisa oo uu u nugul yahay, awoodna ku leh go’aamada masiiriga qaarkood.

Docda kale, waxaa jira murashaxiin kale oo ku heyb ah guddoomiyihii geeriyooday kuwaasi oo doonaya xilkan, waxaana ka mid ah murashaxa soo labeeyo Axmed Washington, AVV. Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey) oo ahaa guddoomiyihii guddigii doorashada baarlamaanka xiligaan haddana ah La-taliyaha ra’iisul wasaaraha ee dhinaca sharciga. Cumar C/laahi Xasan, Guddoomiyihii degmada Wadajir, balse xilkaasi laga qaaday iyo Yusuf Jaalle, Maareeyihii saadaasha hawada iyo duulista hawada, balse rajadooda ma ah mid biuran.

Ugu danbeynta Muqdisho, waa magaalo madax kulmisa qowmiyado kala duwan, waxay u baahan tahay nidaam iyo mas’uul maamula, xaquuqdeedana ilaaliya, sumcadii iyo sharaftii ay laheyd dib usoo celiya.

W/Q: Maxamed Axmed Gacal
Muqdisho, Soomaaliya

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this