Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Oo 30 Sano Ka Dib Ka Qeybgalaysa Tartamada Qaarada Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxaha kubadda cagta Dekedda iyo Muqdisho City Club ayaa u kala safray dalalka Masar iyo Zanzibar,iyagoo halkaas u aaday ka qeybgalka tartamada Caf Champions League iyo Caf Confedration 2019 oo aysan Soomaaliya ka qeybgalin 30-kii sano lasoo dhaafay.

Sequence-75.00_01_26_14.Still007-1024x76
Kooxda kubadda cagta Dekekdda oo sanadkii 3aad oo xariir ah ku guulaystay tartanka horyaalka Somalia Premier League ayaa tartanka Caf Champians League dalka Masar kula ciyaaraysa naadiga reer Masar ee Zamalek guddoomiyaha kooxda Dekedaha Cabdullahi Faarax Cusmaan ayaa Goobjoog u sheegay in ay si wanaagsan ugu diyaar garoobeen guulo waaweyn ay kasoo hooydoonaan tartanka horyaalada Qaarada Africa.

Sequence-75.00_00_17_12.Still003-1024x76
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdiqani Saciid oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay n arinta ay ku timid da’aalka iyo wada shaqeynta wanaagsan ay muuijyeen madaxda kooxaha dalka.

Sequence-76.00_03_22_23.Still002-1024x76

Kooxda Muqdisho City Club ayaa markii ugu horeesay magacan tartamada dibada ugu qeybgalays wuxuuna guddooomiyaha kooxdan Abuukar Maxamed Sheekh sheegayaa in ay shacabka Gobolka Banaadir ay u soo hooydoonaan guul lagu farxo maadama ay si wanaagsan isu diyaareen bilihii lasoo dhaafay.
68299389_2272395046171512_46044755414315
Wasiirka Dekeddaha Xukuumada Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac oo la hadashay Goobjoog waxa ay sheegtay in arinta tahay guul weyn ka wasaarad ahaan ay ku da’daal doonaan horomaka naadiga Dekedaha.

Sequence-75.00_01_15_03.Still006-1024x76
Ciyaartooyda labada dhinac oo inoo waramay ayaa iyagana inoo sheegay in ay tartamadan ay ka faliyaan in ay kasoo qaataan qibrada kala duwan,arintan ay kaga mahad celinayaan madaxda xiriirka kubbadda cagta dalka.

67884806_2272395129504837_51539478316434
Guddoomiye ku xigeenka maaliyada ahna ku simaha duqa magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Mahad Alle Ibraahim dheere yaa guul u rajeeyay dhallinyarada matalaysa caasimada,isagoo intaa ku daray in aad ugu faraxsanyihiin kusoo laabashada tartmada qaarada Africa.
67748726_2272394722838211_31266040052795

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Safarka Kooxaha Dekedda Iyo Muqdisho City Club

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this