Deeq A. Posted August 8, 2019 Muqdisho (SMN) – Ciidamo horleh ayaa ku biiray howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgaladaasi ayaa ujeedkeeda lagu sheegay in dib gacanta dowladda loogu soo celinayo degaano ka tirsan gobolkaasi oo ay haysato AlShabaab. Saraakiisha hogaaminaysa howlgalkaasi ayaa sheegtay in ay fashiliyeen weeraro ay Al-Shabaab isku dayday in ay ka geysato degmada Awdheegle. Awdheegle oo dhowaan uu qabsaday milatariga Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ay ciidamada cusub tageen kana socdaan dhaqdhaqaaqyadda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites