Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in Jubaland ay is hor-taagtey kulan dhex mari lahaa wakiilka IGAD iyo odayaal dhaqameed?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Hotelka Makka ee magaalada Kismaayo wxaaa shalay ka dhacay buuq, waxaana la arkayey sawirro la bahaiyey oo muujinaya odayaal badan oo dhooban banaanka hotelka.

Odayaashaas ayaa la sheegay in Jubbaland ay is hor-taagtey kulankii ay la yeelan lahaayeen wakiilka IGAD oo maalmahan Kismaayo ku sugan, hase yeeshee waxaa soo baxay maanta xog ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr. Maxamed Guyow oo maalmahan ku sugnaa Kismaayo kulamana la qaadanayey Gudiga doorashada, Musharaxiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa aqbaley codsi ka yimid labo kamid ah saxiixayaasha xildhibaanada Jubbaland oo ahaa inay la kulmaan wakiilka IGAD.

Labada Ugaas oo kala ah Ugaas Maxamed Xaashi iyo Ugaas Qorane ayaa codsigoodii waxaa aqbaley Wakiilka IGAD sidaasna kulanka loogu qaban qaabiyey, ayadoo hal shuruud lagaga dhigay inuusan hal qof oo kale soo raacin.

Hase yeeshee labadaUgaas ayaa la sheegay inay soo raacene odayaal dhaqameedyo kale, oo aad u badan, taas oo aan shuruudii lagu xiray kulankooda aan kujirin, maadaama uusan jirin oday dhaqameed kale oo kamid ah saxiixayaasha Jubbaland oo aan labadooda ahayn oo ka maqnaa kulankii hore ay IGAD la qaadatey saxiixayaasha Jubbaland.

Sidaas darteed wakiilka IGAD u fadhiya Soomaaliya ayaa gabi ahaanba diiday kulankaas maadaama ay odayaashu balantii ka baxeen, sida aan xogta ku helnay, mana jirin wax lug ah oo maamulka Jubaland oo arrintan ku lahaa.

Maanta oo Khamiis ah 8/8/2019 ayuu wakiilka IGAD la kulmayaa labadii saxiixayaal maadaama ay kulankii hore ka maqnaayeen kii shaleyna uu baaqdey.

WhatsApp-Image-2019-08-08-at-3.25.59-AM. WhatsApp-Image-2019-08-08-at-3.26.18-AM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this