Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaacisay inay la wareegtay deegaan ka tirsan GAARISA

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahannadooda ay si nabdon kula wareegeen deegaanka Haluuqa oo hoostaga magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay gudaha u gashay deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Booliska iyo kuwa Milatariga dalka Kenya.

Sidoo kale warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi ay ku gubeen shirkad isgaarsiineyd oo ay laheyd Kenya, sida ay hadalka u dhigeen.

“Mujaahidiinta ayaa howlgal ku qaaday deegaanka Haluuqa ee dhulka muslimiinta NFD, ciidamadii gaalada Kenya cagaha ayay wax ka dayeen markii ay arkeen mujaahidiinta waxaana halkaas dab lagu qabad siiyey xarun ay laheyd shirkadda isgaasiinta Kenya.”ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al Shabaab.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro khasaaro geysta ku qaada gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this