Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha AFRICOM oo Socdaal Ku Yimid Soomaaliya, Ra’isul wasaare Kheyre ayey Wada Hadleen

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha cusub ee AFRICOM  Gen. Stephen Townsend,  ayaa arbacadii waxaa uu Soomaaliya ku yimid booqasho aan horay loo shaacin.

Ujeedka safarka waxaa lagu sheegay inuu ahaa sida ciidamada ka jooga Soomaaliya uu kala hadli lahaa in cadaadis la saaro Al-shabaab.

Dadka uu la kulmay waxaa sidoo kale ka mid ahaa ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo safiirka Mareykanka Donald Yamamoto.

“ Waxaan la shaqeyn doonaa, oo sii xoojin doonaa xiriirkeenna Soomaaliya” ayuu yiri Townsend, isaga oo intaasi raaciyey “Innaga oo kaashanaeyna Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka waxaan cadaadis joogta ah saari-doonnaa Al-shabaab” .

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this