Deeq A. Posted August 8, 2019 Baardheere (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku waramaya in ciidamada booliska gobolkaasi ay ka hortageen weerar is-miidaamin ah. Taliyaha saldhiga booliska magaaladda Baardheere, oo u waramay idaacadda Shabelle, ayaa shaaciyey in qof haweenay ay fulin rabtay qaraxaasi. Maxamed Cismaan Yarow ayaa xusay in ay timid saldhiga booliska kadibna askari meesha ay bombo ku tuurtay kadibna uu rasaas uga jawaabay. Yarow ayaa intaasi ku daraya in bombada uu hal askari ku dhaawacmay, kaasi oo xaaladiisa lagula tacaalayo isbitaalka magaaladda. Isaga oo beeniyay in ay ka timid Baydhabo, taliye Yarow ayaa tibaaxay in ay baarayaan shaqsiyadeeda iyo halka ay ka yimid. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkan oo imaanaya xili ammaanka magaaladda uu mudooyinkii dambe ahaa mid hagaagsan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites