Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumandooska Soomaaliya oo fashiliyay weerar rogaal-celis ah oo Al-shabaab ku qaadday Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Kumaandooska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose ayaa fashiliyay weerar ay malayshiyaadka Al-shabaab ku qaadeen degmada Awdheegle ee gobolkaasi oo maalmo ka hor laga qabsaday Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka Kumaandooska DANAB ee ku sugan Awdheegle ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay dib u celiyeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo isku dayay in ay mar kale qabsadaan degmadaasi Awdheegle oo bilowgii todobaadkan laga saaaray.

Saraakiishu waxay sheegeen in dagaal halkaasi ka dhacay ay ku dileen 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab halka 5 kalena ay ku dhaawaceen inkastoo aysan faahfaahin khasaaraha dhankooda gaaray.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa xaqiijisay in dagaalka uu dhacay balse waxay ka gaabsadeen khasaaraha ka dhashay.

PUNTLAND POST

The post Kumandooska Soomaaliya oo fashiliyay weerar rogaal-celis ah oo Al-shabaab ku qaadday Awdheegle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this