Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenay is qarxin rabtay oo Baardheere lagu toogtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay halkaasi goor dhoweyd ku toogteen qof haweenay ah oo doonaysay in ay isku qarxiso saldhiga Booliiska degmada Baardheere.

Haweenayda ciidanku toogashada ku dilay ayaa sida la sheegayo ka safar dhulka ah kaga timid magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaana ay aga’agaarka saldhiga Booliiska kaga degtay gaari Hoomey ah oo ka yimid magaalada Baydhabo.

Saraakiisha Amniga degmada Baardheere ayaa laga soo xigtay in haweenayda markii ay gaariga ka degtay ay bomba-gacmeed ku tuurtay ilaalada Saldhiga Baardheere islamarkaana halkaasi ay ku dhaawacday ilaa 2 askari oo Booliis ah.

Balse ciidanka Booliiska ee ilaalinayay Saldhiga ayaa haweenayda markiiba toogtay xilli ay isku dayeysay in ay isku miidaamiso gudaha Saldhiga degmada Baardheere.

PUNTLAND POST

The post Haweenay is qarxin rabtay oo Baardheere lagu toogtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this