Deeq A. Posted August 8, 2019 Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa ku warramaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay haweeney is qarxin rabtay ku toogteen gudaha magaalada Baardheere ee gobolkaasi. Haweeneydan ayaa bartilmaameedkeedu waxa uu ahaa saldhigga booliska degmadaasi, sida ay sheegeen ilo dhinaca ammaanka ah. Saraakiil ka tirsan kuwa xooga dalka ayaa warbaahinta u sheegay in haweeneydani ay ka soo degtay gaari Caasi ah oo ka yimid magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in ay bam gacmeed ku tuurtay askar ilaalo ka heysay afaafka hore ee saldhigga, islamarkaana ay ku dhaawacmeen illaa 2 askari. Wararka ayaa intaasi ku daraya in baaritaan lagu sameeyey Meydka haweeneydaasi laga helay walxaha qarxa iyo lambar sireed u gaar ah. Weerarkan la fashiliyey ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay abaabullo ka dhan ah Xoogaga Al-Shabaab ay ka socdeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in ay wado qorshe ay saldhig uga furaneyso magaaladaasi, kaas oo laga hagi doono dagaalka Al-Shabaab looga saarayo gobolka Jubbada Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites