Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Oo Dib U Celinaysa 50 Qof Oo U Dhashay Thailand

Recommended Posts

Deeq A.   

 (SLT – Garoowe) Dawladda Thailand ayaa Toddobaadkan ku dhawaaqday in 50 Muhaajiriin u dhashay Dalka Thailand lagu xidhay meel u dhow Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Maamul-gobolleedka Puntland.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Thailand oo Magaciisa la yidhaa Busadee Santipitaks ayaa Arbacadii Maanta sheegay in Madaxda Maamulka Puntland iyo kuwa dawladda Federaalka ay aqbaleen codsi ay u dirtay Safaaradda Thailand ee Nairobi, taasi oo ahayd in 50-ka qof ee Puntland xidhay dib loogu soo celiyo dalkooda Thailand.

“Masuuliyiinta Maamul-gobolleedka Puntland waxay aqbaleen inay xoogsatadan reer Thailand dib u soo celiyaan, fududeeyaana soo celintooda..” ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibedda Thailand.

Sida laga soo xigtay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda, 50-ka Qof oo dhammaan u dhashay Thailand ayaa ahaa Kalluumaysato, waxayna ka shaqaynayeen laba Doonyood oo Magacyadoodu kala yihiin Wadani 1 iyo Wadani 2.

Sida ay baahisay Bankok Post Kalluumaysatadan oo ay u dhan yihiin Dhukumantiyadoodii ayaa Maalmaha soo socda Safarkooda dib u noqoshada ahi bilaabmi doonaa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this