Deeq A. Posted August 8, 2019 Baardheere (SMN) – Saraakiisha ciidamada xooga ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay u diyaar-garowday xorreynta gobolada Gedo iyo Jubadda Dhexe. Taliyaha milatariga ee gobolka Gedo ayaa daboolka ka qaadey in ciidamo ka qeyb qaata howlgalada lagula wareegayo labadaasi gobol ay sidoo kale diyaar yihiin. Gaashaanle Sare, Maxamed Cali Cadow Sanka, ayaa ku booriyay xoogaga difaaca qaranka in ay heegan u galaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa labadaasi gobol. Hadalka taliyaha ayaa imaanaya iyadda oo gobolo kale oo dalka kamid ah ay ka socdaan howlgalo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Horaantii isbuucan ayay ahayd markii ciidamada xooga ay qabsadeen degaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites