Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha cusub ee AFRICOM iyo Khayre oo kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Taliyaha cusub ee taliska Mareykanka ee qaaraadda Afrika, Stephen Townsend, ayaa shalay oo Arbaco ahayd wuxuu yimid magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in sarkaalkan Ameerikaan ah uu Muqdisho kula kulmay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo saraakiil ciidan.

Bayaanka ayaa lagu xusay in kulanka uu qayb ka ahaa danjiraha Mareykanka uqaabilsan arrimaha Soomaaliya, Donald Yamamota.

Warka qoraalka ah ayaa lagu qeexay in dhinacyadda ay kawada hadleen amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa shaacisay in Townsend uu u balanqaaday mas’uuliyiinta Soomaaliya in uu kala shaqeyn doono sidii loo xasilin ahaa waddanka.

Waa socdaalkii ugu horeeyay oo uu Soomaaliya ku yimaado Townsend, kaasi oo dhowaan loosoo magacaabay jagadan.

Taliska AFRICOM ayaa wuxuu dusha kala socdaa howlgaladda dhanka cirka iyo dhulka oo ciidamada Ameerikaanka ah ay ka fuliyaan wadamada qaaradda Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this