Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo la kulmaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa gaaray magaalada Cape town ee dalka Koonfur Africa si uu ula kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi Cape town.

Guddoomiyaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo xubno kamid ah Jaaliyadda ku nool Cape town.

Guddoomiye Mursal ayaa lagu wadaa in uu kulan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan gaar ahaanna magaalada Cape town oo uu horumarka iyo dib u-dhiska dalka.

Guddoomiyaha ayaa maalmahan ku sugnaa dalka Koonfur Afrika oo uu kaga qeybgalay shirka Baarlamaanada Afrika ee dalkaasi lagu qabtay todobaadkan.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Mursal oo la kulmaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this