Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha cusub ee AFRICOM oo socdaal qarsoodiya ku yimid magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha cusub ee Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika (AFRICOM) Gen. Stephen Townsend ayaa Arbacadii shalay socdaal qarsoodiya ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in taliyaha cusub uu Arbacadii shalay magaalada Muqdisho ku tegay socdaalkiisi u horreeyay ee Qaaradda Afrika uu ku yimaado tan iyo markii uu xilkan qabtay 26-June 2019.

Gen. Townsend ayaa Muqdisho kula kulmay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo saraakiil sare oo ka tirsan Militariga Soomaaliya waxaana labada dhinac ka wada-hadleen arrimaha Amniga iyo La’dagaallanka Argagixisada sida qoraalka ku xusan.

Kulanka uu taliyaha cusub ee AFRICOM la qaatay Ra’iisul Khayre iyo saraakiisha sare ee Militariga Soomaaliya ayaa waxaa goob-joog ahaa safiirka Maraykanka u fadhiya magaalada Muqdisho Donald Yamamoto.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha cusub ee AFRICOM oo socdaal qarsoodiya ku yimid magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this