Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha AFRICOM oo kulan xasaasi ah la qaatay Khayre

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka AFRICOM ee Mareykanka Jeneraal Stephen Townsend oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay, sidii la’isaga kaashan lahaa dagaalka adag ee lagula jiro Xooggaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya.

War ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in booqashada taliye Townsend ay la xiriirto dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, dhaqaalaha iyo xasilloonida dalka.

Taliyaha cusub kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka uu Muqdisho u yimid uu yahay sidii cadaadis wadajir ah loo saari lahaa Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay in la wiiqo awooda Al-Shabaab, si looga hortago weerarada ay ka geystaan Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee ku yaalla dalka.

Ugu dambeyn Jeneraal Townsend ayaa kula taliyay dowladda Soomaaliya in ay ku heyso Al-Shabaab meesha ay hadda joogto, islamarkaana ay sii wado howlgallada ka dhanka ah.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka, sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaana uu qeyb ka yahay dagaalka lagula jiro dagaalyahannada Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this