Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle oo ka badbaaday isku day dil

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo xoogan oo ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dagaalladan ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen guriga guddoomiyaha Jalalaqsi iyo saldhig ciidamada dalka Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in iska hor’imaadkaasi la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaasi iyo dagaallada xigay intaba.

Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha degmada Jalalaqsi uu si dirqi ah uga badbaaday, kadib weerar ay ku qaadeen hoygiisa.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in xilliga uu weerarku dhacayey guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa in ay ku sugnaayeen guriga la weeraray.

Al-Shabaab ma shaacin khasaaraha gaaray dhankooda iyo kuwa ay geysteen, waxaaan ay tilmaameen in dagaalyahannadii fuliyey weeraradaasi ay dib uga laabteen halkaasi.

Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay dhaq dhaqaaqyadeeda, waxaana ugu dambeeyey weerar ay shalay ay ku qaaday sadlhigga Booliska magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this