Sign in to follow this  
Deeq A.

Adeegyo la dirayo degaano laga qabsaday AlShabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidamada Soomaaliya ayaa shaaciyey in adeegyadda dowliga ah la gaarsiin doono degaanadii dhowaan laga qabsaday Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenka xoogaga dowladda ayaa tibaaxay in adeegyaddaasi ay qayb ka yihiin kuwa muhiim u ah nolosha bini’aadamka.

Cabdi Xasan Maxamed ayaa intaasi ku daray in howlgaladda lagu xorreynayo tuulooyinka ay haysato Al-Shabaab ay sii socon doonan.

Dhinaca kale, sarkaalka oo ka warbixiyey howlgalo saacadihii lasoo dhaafay ka socda Awdheegle ayaa guulo ka sheegtay.

Isaga oo sii hadlaya ayuu xusay in howlgalo Miino baaris ah oo ay ciidamadu sameeyeen ku guuleysteen in ay kusoo saaran walxo qarxa.

Ugu dambeyntii, xaaladda degaanka ayuu tibaaxay in ay tahay mid wanaagsan, isaga oo shacabka ku booriyey in ay la shaqeeyan ciidamada difaaca qaranka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this