Sign in to follow this  
Deeq A.

Burcad kusoo badaneysa qayb kamid ah M/Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan oo dhac iyo boob u geysanaya shacabka ayaa lagu waramayaa in ay kusoo badanayaa qaybo kamid ah xaafada Kaawa Godey, degmada Dharkenlay ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Burcadda oo la sheegayo in ay hakad geliyeen isu socodka habeenkii ee xaafadda ayaa rayidka ka qaadanaya agabka ay sitaan.

Cabdi Salaan Maxamed, oo kamid ah saraakiisha ciidamdda ayaa maamulka gobolka ugu baaqay in ay wax ka qabtaan arrintan.

Sarkaalkan ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in hadii aanan si degdeg ah wax loola tacaalin qaddiyadan ay sababi karto in ay sii bataan burcadda.

Tani ayaa kusoo hagaageysa iyadda oo mudooyinkii dambe ay joogsadeen howlgalada ka dhank ah kooxaha dhaca geysta oo ay sameyn jireen ciidamada dowladda, kuwaasi oo dabley badan lagu soo qabqabtay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this