Sign in to follow this  
Deeq A.

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ka qayb-galay shir ay kulmeen Isimada 50 wadan oo Afrika ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir socday teer iyo Isniintii oo ay ku sugan yihiin Isimada iyo culimada ilaa 50 wadan oo qaaradda Afrika ah ayaa ka socda magaalada Maka ee dalka Sacuudiga, xilligan carafadda.

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ka mid ah Isimada marjaca ah ee Puntland ayaa ka mid ah ilaa toban Soomaali ah oo isugu jira Isimada dhaqanka iyo culimo ka tegay Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu lafa-gurayaa arrimaha dacwadda diinta iyo doorka Isimada dhaqanka ee Afka ay ka qaadan karaan. Shirka oo ay soo qaban-qaabisay mu’asaso arrimaha Diinta ka shaqaysa waxaa gudoominaya Bender Bin Salmaan Aala-sucuud oo ka mid ah boqortooyada dalkaas.

Luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga, Farance iyo Hawsa ayaa lagu guddoominayaa shirka, Soomaaliya ayaana hoggaaminaysa wadamada ku hadla af-carabiga ee shir dhaqameedkaas ku sugan.

Isimada Soomaaliya ayaa intii shirku socday waxaa si weyn loogu ammaanay doorka ay ka qaataan xalinta khilaafaadka iyo horumarinta bulshada gudaha, sida uu sheegay Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo warbaahinta uga waramay shirkan.

Culimada waa weyn ee Sucuudiga ee kala ah Sheikh Cabduraxmaan Sudaysi oo ah imaamka xaramaynka, Dr. Sheikh Salax Al-fowsaan iyo culimo kale ayaa Isimada dhaqanka ee shirkaas la kulmay

hoos ka ee sawirada shirka

  • IMG-20190808-WA0002-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190808-WA0003-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190808-WA0005-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190808-WA0006-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190808-WA0008-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190808-WA0015-1.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ka qayb-galay shir ay kulmeen Isimada 50 wadan oo Afrika ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this