Deeq A. Posted August 8, 2019 Awdheegle (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay dhaq dhaqaaq Ciidan oo xoogan ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay qabsadeen gacan ku haynta Degmada Awdheegle. Xoogaga Shabaab oo doonaya inay dib u qabsadaan Degmada Awdheegle ayaa lagu soo waramayaa in dhaq dhaqaaq Ciidan oo xooggan ay ka wadaan Tooratoorow iyo deegaanka Mubaarak oo ku dhaw Degmada Awdheegle. Qaar ka mid ah dadka deegaanka Mubaarak ayaa sheegay in saacidihii la soo dhaafay ay arkayeen gaadiidka fara badan iyo Ciidan dagaal oo Shabaab ka tirsan kuwaasi oo soo gaarayay deegaanka Mubaarak. Qorshaha Shabaab wuxuu yahay dib u qabsashada Degmada Awdheegle, maadaama ay u tahay meel istaraatiiji ah oo ku dhaw Magaalada Toora toorow. Ciidamada dowladda iyo Amisom oo shalay uni qabsaday Awdheegle ayaa isla xalay la kulmay weerar abaabulan oo Shabaab ay ku soo qaadeen, inkastoo Shabaab guulo ka sheegteen weerarkaasi, haddana Saraakiisha Militariga kama hadlin. Dowladda Somaliya ayaa bilowday qorshe dagaal oo Shabaab looga saarayo deegaanada Shabellaha hoose, inkastoo dhaq dhaqaaqa noocaan oo kale ah dhawr mar Ciidamada ay sameeyeen oo ay dib uga soo laabteen deeganadii ay gaareen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites